Madaxweyne Biixi Oo Cadaadis Lagu Saaray Kala Dirista Komishanka Cusub Ee Doorashooyinka

Hargeysa, (Aftahannews)-Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Mr. Nicolás Berlanga oo socdaal ku jooga Magaaladda Hargeysa, ayaa kulamo la qaatay hoggaamiyeyaasha xisbiyadda Mucaaridka UCID iyo WADDANI.

Kulamaddan oo dhinaca xisbiyadda horkacayeen labadda Gudoomiye Eng Faysal Cali Xuseen iyo Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa intii uu socday lagaga waddahadalay sidii loo dhammaystiri lahaa caqabadaha horyaalla qabsoomidda doorashooyinka Baarlamaanka iyo Deegaanka.

Kulanka warbaahinta oo aan ka qayb-gelin haddanna ilo-wareedyo lagu kalsoonyey ayaa sheegayaa in qoddobadda ugu waaweyn ee kulanka lagaga hadlay yahay siddii Madaxweyne Muuse Biixi culays loogu saari lahaa in qodobadii ay soo saareen gudida dhex-dhexaadintu.

Sidoo kalenna loo hawl-gelin lahaa gudidii horre ee Komishanka doorashooyinka si doorashooyinku u qabsoomaan sannadkan aynnu ku gudo-jirno 2020-ka

Dhinaca kale, Safiirka ayaa la sheegay inay u qorshaysantahay inuu maalinta sabti-da ah la kulmo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxaanna la filayaa inuu kala hadli doonno xalinta caqabadaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka. Mr. Nicolás Berlanga iyo weftigan uu hoggaaminayo oo maalmaha soo socda ku sugnaan doonna magaaladda Hargeysa, ayaa la filayaa inuu siddoo kale kulammo la qaadan doonno ururadda bulshadda.

Xigasho Warsugan