Kooxda Barcelona Oo Dalab Ka Gudbisay Xiddig Ka Tirsan Chelsea

Sky Sports News ayaa goor-dhow baahisay in Barcelona ay dalab 20 milyan ginni ah ka gudbineyso xiddiga garabka ka ciyaara ee Chelsea ee Willian.

Kooxda Catalans ayaa muddo dheer xiiseyneysay xiddiga reer Brazil oo qandaraaskiisa Blues uu dhacayo xagaaga soo socda.

Iyadoo tartan xoogan loo geli doono marka uu xor noqdo bisha July, Barcelona ayaa doonaysa inay ku hormarto saxeexiisa oo ay la soo wareegto bishan January ka hor inta aannu xidhmin suuqa kala iibsiga maalinta Jimcaha.

Barcelona ayaa dhowr dalab ka gudbisay xiddiga reer Brazil xagaagii 2018 oo midkii ugu sarreeyay uu ahaa 55 milyan ginni laakiin waxaa dhamaantood soo diiday Chelsea.

Dalabka cusub ee Barcelona ayaa imaanaya xilli ay kooxda ku guul-dareysatay dalab 100 milyan euro ah oo u dhiganta 85 milyan ginni oo ay ka gudbiyeen weeraryahanka reer Brazil ee Everton Richarlison.