Dawladda Maraykanka oo Uganda uga digtay inay ku soo fool leeyihiin Qaraxyo la mid ah kuwii Westgate ee Nairobi

Uganda-(AN)-Dalka Uganda, ayaa ku jira heegan ka dib markii dawladda Maraykanku soo saartay digiin ku saabsan falal argagixisadu la maagantahay inay ka waddankaas ka fuliyeen kuwo la midah weerarkii Westgate.

Ciidammada Nabadgelyada ee Uganda waxay bilaabeen baadhitaanno ay ku sammaynayaan gaadiidka iyo shandadaha lugaynaya iyo dukaammada ganacsiga qaarkood.

Afhayeen u hadlay Uganda ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin dawladda Maraykanku u soo gudbisay macluumaadkan sirdoonka Uganda.

Kooxda Alshabaab ayaa iyadu hore u sheegatay inay ka dambaysay weerarkii September ee Xarunta Ganacsiga Westgate Nairobi, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 67 qof.