Dawladda Ingiriiska oo Walaac Ka Muujisay Xaalado Xilligan Ka Jira Somaliland

Stuart Brown Wakiilka Dowladda Britain u fadhiya Somaliland
Stuart Brown Wakiilka Dowladda Britain u fadhiya Somaliland

Hargeysa (Aftahannews)- Wakiilka dawladda Ingiriiska u fadhiya Somaliland Stuart Brown, ayaa sheegay in qodobka 32-aad ee distuurka Somaliland uu dammaanad qaadayo xaqa ay muwaadiniintu u leeyihiin xorriyadda mudaharaadyadda inay isugu soo baxaan, inay aragtiddooda cabbiraan iyo Xorriyadda warbaahinta.

Stuart Brown Wakiilka Dowladda Britain u fadhiya Somaliland
Stuart Brown Wakiilka Dowladda Britain u fadhiya Somaliland

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Farriin wakiilka Ingiriisku bartiisa Twitter-ka ku qoray, ayuu ku sheegay in shalay oo la xusay maalinta xuquuqal aadanaha uu soo dhawaynayo horu-socodka laga sameeyey xeerka Warbaahinta ee Somaliland, oo uu sheegay inay ujeedadiisu tahay in xuquuqaha distuurig ah loo ilaaliyo si ka badan sidda hadda.

Wakiilka dawladda Ingiriiska Mr Stuart Brown, wuxuu sheegay in waaqica xaqa ah ee Somaliland hadda ka jirta yahay xadhigga sharci-darrada ah iyo xaalado badan oo kale oo ku gedaaman amma ku xeeran waqtigan Bulshada Somaliland.

Dhinac kale, Wakiilka Ingiriisku, wuxuu sheegay in Xuquuqda Aamanaha khuseeya ay dawladda Ingiriisku kala shaqaynayso Somaliland ay ka mid yihiin in kor loo qaado isla-xisaabtanka, garsoorka, in muwaaddiniinta loo fudaydiyo gaadhista garsoorka iyo in la tabobbaro Garsoorayaasha iyo Xeer-ilaaliyayaasha iyo in la dhisto Aqoonta Warfidiyeenka.

Dawladda Britain, ayaa ka mid ah dalal iyo ururro caalami ah oo dabayaaqadii bishii hore soo saaray war-murtiyeed ay kaga hadlayeen khilaafka siyaasadeed ee Somaliland ka taagan labaddii sannadood ee u dambeeyey.

Waxay War-murtiyeedkoodaas ku sheegeen in loo baahanyey in doorashaddu waqtigeeda ku qabsoonto iyo in Komishanka doorashooyinku noqdaan mid dhinacyada oo dhammi ku qanacsan yihiin amma lagu wada kalsoon yahay, isla markaana Xisbiyada iyo Xukuumaddu si dhaqso ah u wadahadlaan si khilaafaadku meesha uga baxaan, hase-yeeshee, weli arrimahaas Somaliland xal lagama gaadhin.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.