Soo Laabashaddii Mourinho Oo Iftiimisay Horyaalka Ingiriiska

Macalinka kooxda Tababaraha Tottenham ee Jose Mourinho ayaa sheegay in dhamaan kooxaha ku soo baxay kaalmaha hore heerka group-yada tartanka Champions League ay ka baqayaan inay ku wajahaan naadiga Spurs-ka wareega 16-ka ee bug baxda.

Tottenham Hotspur ayaa u soo baxday wareega xiga 16-ka ee Champions League, kaddib markii ay kaalinta labaad kaga soo gudubtay GROUP B ee tartankan, iyagoo ka dambeeyay kooxda Bayern München.

Waxaa la rajeynayaa in Tottenham Hotspur ay ku wajihi doonto wareega xiga 16-ka ee Champions League, mid ka mid ah kooxaha Barcelona, Leipzig. Paris Saint-Germain, Valencia, ama Juventus, waxaana la ogaan doonaa kaddib marka la sameeyo isku aadka wareega 16-ka Isniinta soo socota.

Haddaba macalinka reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday kaddib kulankii xalay ay guuldarada kala kulmeen Bayern München wuxuu warbaahinta u sheegay“Waxaan u maleynayaa in kooxaha kaalinta koowaad kaga soo baxay group-kooda aysan doonaynin inay wajahaan Tottenham, sababtoo ah waxaan nahay mid ka mid ah kooxaha ugu adag ee ku soo baxay kaalinta labaad heerka group-yada tartanka Champions League”.

“Dhamaadka bisha soo socota ee February, waa marka la baasan doono kulamada wareega 16-ka, waxaan fahmi doonaa ciyaartoy badan oo Tottenham ah, iyagana si fiican ayay ii fahmi doonaan”.

“Waxaan haysanaa labo bilood kale oo aan isla shaqeyn doono, waxaana u maleynayaa inaan si aad ah ugu diyaar garoobi doonno” ayuu haddalkiisa ku soo xidhay macalinka reer Portugal.