Somaliland Oo Beenisay Joogitaanka Al-Shabaab Ee Bariga Sanaag

Hargeysa, (Aftahannews)-Guddoomiyaha Degmadda Yube Boqor Ibraahin Maxamed Xasan, ayaa jiritaanka wararka si adag u beeniyay, wuxuuna isagoo ku sugan deegaanka Yube sheegay in aan waxba ka jirin warkaa soo gelitaanka Al-shabaab ee deegaanka Gacan Marooddi.

Guddoomiyaha Yube, wuxuu ku tilmaamay wararka sheegaya in Alshabaab soo galeen deegaankaa  kuwo laga leeyahay ujeeddooyin siyaasadeeed oo ka dhan ah deegaanka, Isla markaana, wuxuu ku eedeeyay masuuliyiinta maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland inay wararka noocaa ah oo dacaayad ah ka ka leeyihii danno siyasadeed iyo in lagu carqaladeeyo Nabadgalayada iyo jiritaanka Somaliland.

Guddoomiyaha Degmada Yube Boqor Ibraahin Maxamed Xasan oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Annigu waxaan ahay Gudoomiyaha Yube, wararka aan idaacadda ka maqlayay ama warbaahinta la marinayay wax ka jira ma jirto. Deegaanka Gacan-marooddi waxay degmadda Yubbe u jirta 20 Km ilaa 25 Km. Hawsha soo gelintaanka Al-shabaab wax ka jiraa ma jirto oo waa meel la degan-yahay oo warka annagu ma’ahaynno.”Ayuu yidhi Ibraahim Maxamed Xasan, waxaannu hadalkiisa sii raaciyay“Buurta in dad marmaraan waa laga yaabba. Laakiin meesha iyadda la sheegayo wax ka jira ma jiraan, warkaasinna waa war siyaasaddeed oo ah fal-dambiyeed dadka degan iyo mandaqadda laga galay, wax Al-shabaab ah iyo wax ciidan ah iyo wax saldhig ah kuma leh.” Sidaa ayuu yidhi Ibraahim Maxamed Xasan

Iyaddoo saacaddihii la soo dhaafay la isla dhex-marayay in qaar ka mid ah ururka Alshabaab lagu arkay Deegaanka, balse masuul ka tirsan Ciidamada Puntland oo u waramay warbaahinta maamul Goboleedka Puntland, ayaa sheegay in koox ka tirsan dagaalyahanada Alshabaab oo tiradooda uu ku sheegay 70 ay galeen Deegaankaa oo ah gudaha xadka Somaliland.