Xukuumadda Oo Soo Bandhigtay In Dalka Laga Helay Shidaal  iyo Hubinta Inuu Ganacsi Geli Karro

Hargeysa,(Aftahannews)-Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland, ayaa si rasmi ah u soo bandhigtay in la soo afjaray Sahamintii shidaal ee laga wadday qaar ka mid ah deegaamadda Somaliland. Islamarkaanna waxay wasaaraddu sheegtay in loo dhawyahay in dalka laga helo shidaal.

Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal, waxaanu sheegay in shidaalkaasi yahay mid laga ganacsan karro ama loo iib-gayn karro dalalka jaarka ah.

Wasiirka oo arrimaha warbaahinta u sharraxay wuxuu yidhi“Waxay aad dawladdu isugu hawshay hirgelinta iyo xaqiijinta siyaasadda oo ah wax-soo-saarka oo baadhitaan xoog leh ay samaysay. Iyadoo la kaashanaysa shirkaddo shisheeye iyo qaar muwaadiniin leeyihiin sidda shidaalka, waxa dhammaaday sidda laga warqabbo baadhitaan dhawr marxaladood soo maray oo ugu dambeeyey ka la yidhaahdo Saysmanka   oo soo afjarmay Sannadkii inna dhaafay badhtamihiisii.”Ayuu yidhi Jaamac Maxamuud Cigaal

Sidoo kale, Wasiirka Macdanta iyo Tamartu wuxuu sheegay in labaddii shirkadood ee ku hawlanna sahaminta shidaalku soo afjareen xogtii lagu sahaminayay shidaalka “ Labba shirkadood baa hawsha wadday sahaminta shidaalka oo labadda shirkadoodba way soo gabo-gabeeyeen sahamintii shidaalka, waxaynna immika soo dhammaystireen xogtii iyo turjumaankii xogta iyo marxaladihii kala duwanna ee baadhitaanka, haddii uu yahay mid diyaarad lagu baadhayay iyo haddii uu yahay mid muunaddo lagga qaadayay cidda iyo dhagaxanta iyo haddii uu yahay kaa baabuurta taayiradda waaweynni gashay.”

Dhinaca kale, wasiirku wuxuu tilmaamay in immika lagu guddo jiro in la hubiyo in shidaalkaasi ganacsi gali karro “ Waxay xogtaasi muujisay wax bushaaro ah oo farxad leh oo inay u dhawdahay in waddanka in shidaal laga helo, immika waxa la ogaaday in waddanka shidaal ku jiro oo lagu hubinnayo in shidaalka ku jira mid ganacsi gali karra.”Sidaa ayuu yidhi Jaamac Maxamuud Cigaal

Xigasho WARSUGAN