Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Digniin Adag ka Soo Saartay Culimo Khilaafkooda Bulshadu Dareentay

WASAARADDA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND
WASAARADDA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND

Hargeysa(Aftahannews):- Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa digniin adag u dirtay Culimo baraha bulshada khilaafkooda laga dareemay, isla markaana jawaabo iyo dalabyo isaga gudbiyeen facebook-yada.

WASAARADDA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND
WASAARADDA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Warkooban oo qoraal ah oo maanta ka soo baxay Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Digniin! Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu, waxay digniin adag u diraysaa Culima-Awdiinka maalmahan dambe caadaystay in ay baraha bulshada isu mariyaan hadallo xanaf leh oo saamayn ku yeelatay guud ahaan Ardayda barata Diinta Islaamka (Daalib Al- Cilmi) kaas oo ku saabsan in Culimadu midba midka kale ka dalbanayay dood cilimiyeed (MUNAADARO).

Doodahani waxa ay wax yeello weyn u geysan karaan wada-jirka iyo nabadda aynu ku noolayn muddada badan. Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu, waa Wasaarad u dhaxaysa guud ahaan Culimada dalka cid si gaar ah u sheegan kartaana ma jirto.

Haddaba, laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 21-November-2019, waxa la farayaa cid kasta oo ka hadasha arrintan qaabka ay doontaba ha ahaatee in ay Wasaaraddu la xisaabtamayso, waajibkiisana marinayso. Allaa Mahad Leh.” Sidaa ayaa lagu yidhi qoraalka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ka soo baxay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.