“Kulmiye wuu Qaldanaa, Waddanina .. Inankaas Sida Dhagaxa aaa la soo Tuuray, waxaanu..” Xildhibaan Xasan Shahar

Hargeysa(aftahannews):- Xildhiabaan Xassan Shahar oo Ka Tirsan Golaha deegaanka ee degmada Hargeysa, ayaa Shaaciyey Nidaam ku cusub Bulshada oo ay soo kordhiyeen, isla markaana waxa uu ka hadlay eedayn Xisbiga Waddani u jeediyey Maayerka Caasimadda, waxaanu sheegay inay qalad ahaayeen qaabkii uu Muddaharaadyada u samayn jiray Xisbiga talada haya ee Kulmiye xilligii uu mucaaradka ahaa.

Xildhibaan Xasan-Shahar oo waraysi gaar ah Salaasadii maanta uu la yeeshay Baddacas24TV, ayaa sheegay in Maayerka Hargeysa aanu abaabulin wax dhalinyaro ah oo rabshado ka sameeya caasimadda Hargeysa, isla markaana aanay waxba ka jirin eedaha uu u jeediyey Afhayeenka Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuur oo markii uu Maayer Soltolco ku eedeeyey inuu dhalinyaro abaabulay ka dib Xabsiga loo taxaabay isaga iyo Xoghayaha guud ee Waddani.

Haddaba, Xildhibaan Shahar oo arrimahaas iyo kuwo kaleba ka warramaya, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Warkiisa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.

.