Budhcad Badeed Soomaali ah oo sii deysay muwaadin u dhashay Iiran

Muqdisho (Aftahannews)- Budhcad Badeed Soomaali ah ayaa sii deysay ugu danbeyntii muwaadin u dhashay dalka Iran kadib muddo afar sano oo uu ku jirey gacantooda.

Badmaaxa u dhashay Iiran ee la sii daayay oo lagu magacaabo Maxamed Sharif Panahandeh ayaa la sheegay in la sii daayay kadib markii xanuun uu soo wajahay hase yeeshee illaa saddex badmaax oo la  socotay Sharif kana soo jeeda dalka Iran ayaa weli ku jira gacanta koox ka afduubatay xeebaha Soomaaliya sanadkii 2015kii.

Waxaa ay wararku sheegayaan in la geeyay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia halkaa oo uu dalkiisa ugaga sii gudbi doono.

Kooxda afduubka ku haysatay afartan badmaax ee u dhashay dalka Iran ayaa dalbaday lacag madax furasho ah hase yeeshee illaa iyo hadda ma jirto cid u ballanqaaday amaba siisay lacag madax furasho ah.

Budhcad badeeda Soomaalida ah ee ku  weerari  jirtey xeebaha Soomaaliya iyo xeebaha u dhow dhow ayaa hoos u dhac weyn  ku yimid tan iyo sanadihii la soo dhaafay kadib markii maraakiib  hubeysan ay bilaabeen inay ilaalo ka qabtaan xeebaha Soomaaliya.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.