Ururka Xizbullah oo Sheegay haddii Sucuudigu Galo Dagaalka Iran in Boqortooyadu Burburi doonto

HASSAN NASRULAH
HASSAN NASRULAH

Ururka Xizbullah ee ka dagaallama dalka Lubnaan Sheekh Hassan Nasrullah, ayaa  uga digay dowladda Sacuudiga inay gasho dagaal ka dhan ah Iran, kaasoo haddii ay ku dhiirrato uu ku tilmaamay inuu noqon doono khammaar ay gashay, isla markaana burburin doona Boqortooyada Sucuudi.

HASSAN NASRULAH
HASSAN NASRULAH

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hoggaamiyaha Xizbullah Sayid Xasan Nasrallah ayaa sheegay in hab cusub oo difaaca gantaalaha hawada ah uusan Sacuudiga ka difaaci karin nooca diyaaradihii drone-ka ee loo adeegsaday weerarkii 14-kii September lagu qaaday xarumaha shidaalka Sacuudiga.

“Ha ku khamaarina dagaal aad la gashaan Iran, sababtoo ah way idin burburin doontaa.” ayuu Nasrallah ku yidhi khudbad laga sii daayey taleefishinka.

Waxaanu xusay in weerarkii September 14 uu hakiyey illaa bar wax soo saarkii Saliidda Sacuudiga, ayaa Nasrallah waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi; “Gurigiina waxa uu ka sameysan yahay muraayad, dhaqaalihiinana wuxuu ka sameysan yahay muraayad, si la mid dabaqyadaha muraayadaha ah ee Imaaraadka Carabta.”

Nasrallah ayaa sheegay in weerarkii xarumaha shidaalka shirkadda Aramco uu muujiyey awoodda xulufada Iran ay taageerto. Waxa uu sidoo kale ka digay in hab difaac cusub oo hawada ah uusan bad-baadin karin Sacuudiga, sababtoo ah baaxadda dalkaas oo ka dhiegysa in diyaaradaha drone-ka ay beegsan karaan goobo badan.

“Hab difaac cusub oo hawada ah wuxuu noqon doonaa mid qaali ah, waxna idin ma tari doono” ayuu yiri Nasrallah. Waxa uu taa beddelkeeda Sacuudiga iyo Imaaraadka kula taliyey inay joojiyaan dagaalka Yemen, “si ay isku bad-baadiyaan.”

Xiasho VOASomali.com/Reuters.