Madaxweynaha Somaliland Muxuu ka yidhi Aragtida Dadka ee la Kulankii Wasiirrada Soomaaliya?

Jiddah(aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sawir doodo badan ka dhasheen, shacabkuna ka biyo-diiday oo si weyn loogu qaadaa-dhigay saxaafadda iyo Baraha Bulshada, kaas oo muujinaya kulan dhexmaray Madaxweyne Biixi iyo Wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya oo kuwada-sugan dalka Boqortooyada Sucuudiga, halkaas oo ay ku soo wada-guteen waajibaadka Xajka.

Madaxweyne Biixi oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golihiisa xukuumadda, waxaa uu arrintan kaga hadlay kulan uu magaalada Jeddah kula qaatay Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Boqortooyada Sucuudiga. Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu soo dhawaynayo sida ay shacabka Somaliland uga biyo-diideen sawirka, isagoo ku tilmaamay arrintaas tallaabo muujinaysa sida shacabku u ilaashanayaan qaranimadooda.

Madaxweynaha oo ka hadlaya arrintan iyo jawaab-celin uu u jeediyey Xisbiyada Mucaaradka ahba, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose, ee daawasho wacan:-

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.