Somaliland: Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Dugsiyada Dhexe oo la soo Gabo-gabeeyey

Hargeysa (Aftahannews)- Waxa  maanta la soo gabogabeeyey imitixaankii shahaadiga ahaa ee Fasalka Siddeedaad ee dugsiga dhexe Jamhuuriyadda Somaliland oo  sannadkan ay  u fadhiisteen arday tiradoodu  tahay  19 Kun Toddoba Boqol iyo Siddeed iyo Toddobaatan Arday  oo dhammeystay dugsiga dhexe.

Jaamac Raage Jaamac oo ka mid ah masuuliyiinta Xafiiska Imtixaannaadka Guud ayaa sheegay in Gobolka Sanaag  oo uu ka hawgalay ay imtixaanka shahaadiga ah sannadkan u fadhiisteen 1153  arday, oo uu maanta si nabdoon loogu soo gabogabeeyey isla markaana aanay wax dhibaato ah La kulmin.

Sidoo kale Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Badhan Marwo Foosiya Jibriil Cali ayaa Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA u sheegtay in jawi nabadgelyo imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga dhexe loogu soo gabogabeeyey degmooyinka gobolka Badhan, iyadoo ay imtixaankaas u fadhiisteen 615 arday.

Dhinaca kalena wararka ka imanaya gobolada kale ee Somaliland waxa maanta la soo wada gabogabeeyey imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee dugsiyada dhexe, halka Dugsiga sarena la soo gabogabeyn doono Khamiista Toddobaadkan.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.