Dad loo xidhay weerarkii ka dhacay Nairobi

Nairobi (Aftahannews)- Ilaa Shan ruux oo u badnaa Taksiilayaal la sheegay in ay xidhiidh la lahaayeen kooxdii weerartay Salaasadii aynu soo dhaafnay Hotelka DusitD2 ayaa ka soo muuqday maxkamad.

Mid ka mid ah shanta ruux oo haysta dhalashada Canada ayaa la sheegay in uu xidhiidh la lahaa kooxdii weerarka fulisay, waxaana magaciisa lagu sheegay C/xakiim Mohamed Guled.

Sidoo kale saraakiisha Booliiska Kenya ayaa shaaciyay magaca shaqsigii isku qarxiyay hotelka ee bilaabay weerarka kaasoo lagu magacaabo Mahir Khalid, oo ka soo jeeda magaalada Mombasa

Waxaa la sheegay in Maahir uu ka tirsanaa Guutada loo yaqaano Jaysh Ayman ee ka dagaalanta Keymaha Boni ee Gobolka Xeebta Kenya.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dhamaanba la dilay raggii ka danbeeyay weerarka ee gudaha u galay dhismaha, hasse ahaatee dowladdu ilaa iyo hadda ma sheegin sida ay ugu sahlanaatay in raga ay gudaha u gallaan dhismaha.