Itoobiya oo fursado badan u ogalaaneysa qaxootiga

Addis Ababa (Aftahannews)- Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa ansixiyay hindise sharciyeed u ogolaanaya qaxootiga ku nool dalkaasi inay helaan xuquuq dheeri ah.

Waxyaabaha ku xusan hindise-sharciyeedka ayaa waxaa kamid in dadka qaxootiga ah ee ku nool xeryaha qaxootiga inay xaq u leeyihiin in dalkaasi laga shaqaaleysiiyo iyo in carruurtoodu ay wax ka bartaan Iskuulada dowladda.

Hindise Sharciyeedka ayaa dhigaya in qaxootiga ay helayaan xoriyad ah inay tegi karaan meel kasta oo Itoobiya ka tirsan oo ay ka bixi karaan xeryaha.

Dalka Itoobiya waxaa ku nool in ka badan hal milyan oo qof oo kasoo qaxay dalalka deriska ah halka 2 milyan oo qof oo kasoo barakacay gudaha dalka ay ku nool yihiin xeryaha qaxootiga.

Hindise sharciyeedka ayaa waxaa kasoo horjeestay xildhibaanno aanay tiradoodu badneyn inkastoo qaar kamid ah ay muujinayaan walaaca ah in qaxootiga ay la wareegi doonaan shaqooyinkii loogu talagalay dadka Itoobiyaanka ah ee aanan wax shaqo heysan.

Waxaana la filaya in tallaabadan ay waddada u xaadho qorshaha dowladda Itoobiya ay ku dooneyso in dadka qaxootiga ah ay ka shaqeeyaan warshadaha dalkaasi.

Qaxootiga ayaan markii hore loo oggolaan jirin in ay ka baxaan xeryaha oo ay meel kale u shaqo tagaan

Qaxootiga ku nool dalka Itoobiya ayaa soo dhaweeyay go`aanka uu dalkaasi ugu oggolaaday qaxootiga inay si xor ah Itoobiya uga shaqeysan karaan isla markaana ay ku noolaan karaan meel ka baxsan xeryaha.

Arrintan ayaa sida la sheegay ka caawinaysa inay ka baxaan ku tiirsanaanta gargaarka hay`adaha shisheeye.

Itoobiya ayaa ah dalka labaad ee Afrika ee qaxootiga ugu badan martigeliya marka laga yimaado Uganda, waxaana ku nool in ka badan 900,000 oo qof oo ka soo cararay colaadaha dalalkooda ka jira, waxaana dadkaasi u badan qaxooti ka soo jeeda dalalka Soomaaliya, Suudaanta Koofureed, Sudan, iyo Eritrea.

Nasri Cabdi Jaamac oo kamid ah qaxootiga ku nool xerada Awbarre ee dalka Itoobiya, oo BBC-da u warrantay ayaa sheegtay in ay aad ugu diirasadeen tallaabadan oo ay sheegtay in ay u suurto galinayso in ay u shaqo tagaan meel ka baxsan xeryaha Qaxootiga.

Waxa ay sheegtay in xilligii dawladdii hore jirtay la odhan jiray ha bixina, qof waliba oo qaxooti ahna xeradiisa ha joogo.

Waxay intaas ku dartay in ay fasax qaadan jireen marka ay doonayaan in ay soo salaamaan dadka xigtadooda ah.

 

Source: BBC Somali