Waa Immisa Muwaaddiniinta Reer Jabuuti ee Somaliland ku dhintay Sannadkii tegay ee 2018-ka?

SAFIIR KAWAALIYE IYO MADAXDA SAFAARADDA JABUUTI EE SOMALILAND 2019
SAFIIR KAWAALIYE IYO MADAXDA SAFAARADDA JABUUTI EE SOMALILAND 2019

Safiir Kawaaleeye oo Faahfaahiyey Muhiimada Madaxweynaha Jabuuti u sameeyey xafiiska Somaliland

Hargeysa(Aftahannews):- Xafiiska Qunsuliyada dalka Jabuuti ee Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday inay balaadhin doonaan adeegyada ay u qabtaan muwaaddiniinta Jabuuti & kuwa SomalilandAmb Xuseen Cumar(Kawaaleeye), ayaa faahfaahin ka bixiyey adeegyo kala duwan oo ay qabteen sannadkii dhamaaday.

SAFIIR KAWAALIYE IYO MADAXDA SAFAARADDA JABUUTI EE SOMALILAND 2019
SAFIIR KAWAALIYE IYO MADAXDA SAFAARADDA JABUUTI EE SOMALILAND 2019

 

 

 

 

 

 

 

 

 

“Waxaan u samaynay 53 dhalasho sannadkii dhamaaday, iyo caddaynta qofka ku dhasha Somaliland ooh ore aan u haysan goob ay ugu hagaagaan ayaa madaxweynaha Jabuuti Md Ismaaciil C Geele ugu sameeyey xafiiskan in muwaadiniinta Jabuuti xaqooda u helaan, waxaan caddaynay labaatan qof oo ku dhintay geyiga Somaliland (Ilaahay ha u naxariistee).” sidaa ayuu yidhi Safiirka oo shalay warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa xarunta Safaaradda ee Hargeysa.

Kawaaleeye, ayaa sheegay in adeegyada xafiisku u qabto jaaliyada reer Jabuuti ka mid yihiin caddeynta dadka isku guursada Somaliland shahaadada meherkooda, dadka baasaboorku ka dhaco oo la siiyo warqad ay ku dhoofaan, sidoo kalena waalidka u doonaya caddeymaha caruurtooda u sameeyaan.

Safiir Xuseen Kawaaleye ayaa sheegay inay dad badan oo dib ugu laabanaya jabuuti u sameeyeen waqado ay ku dhoofaan. “Waxaan u samaynay waraaqo ay ku dhoofaan dad ku noqonaya jabuuti 73 qof, waxaan dadka qaata lacagta hawlgabka u caddaynay, waxaan waraaqaha meherka u caddaynay 43 muwaadiniin Jabuuti ah.” sidaa ayuu yidhi Safiirku.

Safiir Kawaaliye oo hadalkiisa sii watay, wuxuu yidhi; “Waxaan ugu horeyn hambalyo u dirayaa Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne-xigeenka Md Cabdiraxmaan Saylici, xukuumada iyo shacab-weynaha  Somaliland, dhamaantood waxaan leeyahay sannad wanaagsan oo bashbash iyo barwaaqo leh. Waxaan hawshaa u qabanay lana hadlayaa waa reer Jabuuti iyo reer Somaliland.”

Kawaaleeye oo baaq u jeedinaya muwaadiniinta reer Jabuuti ee degan Somaliland, ayaa yidhi; “Waxaan ugu baaqayaa muwaaddiniinta reer Jabuuti ee deggan Somaliland isa-soo-diiwaangeliya, si wax la idiinku qabto, isla markaana dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti idiin ogaato.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.