Britain Maxay ka Tidhi Heshiiska Xisbiyada Somaliland ka gaadheen doorashada 2020?

Stuart Brown Wakiilka Dowladda Britain u fadhiya Somaliland
Stuart Brown Wakiilka Dowladda Britain u fadhiya Somaliland

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxa Xafiiska Dowladda Britain u qaabbilsan Somaliland ee Hargeysa Stuart Brown, ayaa sheegay inay UK soo dhaweynayso heshiiska saddexda Xisbi ee Somaliland ka gaadheen qabsoomidda doorashada Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada.

Stuart Brown Wakiilka Dowladda Britain u fadhiya Somaliland
Stuart Brown Wakiilka Dowladda Britain u fadhiya Somaliland

Stuart Brown, ayaa sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, waxaanu intaas ku daray in heshiiskani uu caddaynayo doorka Guddiga doorashooyinka, Saamiga Kuraasta iyo muddaynta wakhtiga kama dambaysta ah ee doorashada, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin tallaabooyin muhiim ah oo hore loogu qaaday doorashooyinka 2020-ka ee Somaliland.

Waxa uu Wakiilka Dowladda Britain u jooga Somaliland waxa uu sheegay inuu rejaynayo inay Xisbiyadu maanka ku hayaan oo ay ka go’antay in la meelmariyo Kuraasta loo baahan yahay inay Golaha Wakiillada ku yeeshaan Dadka laga tirada badan yahay iyo Haweenku.

aftahanin@gmail.com

Aftahannewws.com

Hargeysa/Somaliland.