Ra’iisul-wasaarihii hore ee Soomaaliya oo ku geeriyooday Turkiga & Taariikh- Nololeedkiisii – Warbixin

Istanbul(Aftahannews)- Ra’iisal-wasarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax, ayaa Axadda maanta ku geeriyooday magaalada Ankara ee dalka Turkiga, sida uu BBC-da u xaqiijiyay safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga Jaamac Cabdillaahi Maxamed.

Marxuumka oo ahaa 77 sano jir, ayaa u dhintay xanuunka Kansarka oo in muddo ahba hayey. Safiirka waxa uu sheegay in Xasan Abshir uu labadii toddobaad ee la soo dhaafay ku jiray qeybta bukaannada halista ah la dhigo ee ICU-da.

“Dowladda Soomaaliya ayaa Turkiga keentay, muddo dheer ayaa la daweynayay. Xannuunkiisa dhinaca maskaxda ayuu ahaa. Maanta ayayna dhakhaatiirtiisa nagu wargeliyeen inuu dhintay.” sidaa ayuu yidhi Safiir Jaamac.

Xasan Abshir ayaa dowladihii kala duwanaa ee Soomaaliya ka soo qabtay xilal kala duwan. Wuxuu ra’iisal wasaare ka soo noqoday dowladdii Ku meel gaadhka ahayd ee Madaxweyne C/qaasim Salaad Xassan uu hoggaaminyay. Waxaa loo magacaabay xilkaasi ka dib markii xilkii laga qaaday ra’iisul wasaarihii isaga ka horreeyay ee Dr. Cali Khaliif Galleyr, wuxuuna xilkaasi hayay muddo seddax sano ah.

Wuxuu sidoo kale Xasan Abshir Faarax soo noqday duqii magaalada Muqdisho xilligii dawladdii hore ee Maxamed Siyaad Barre. Sannidihii u dambeeyay waxa uu ahaa xubin ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ka hor inta uusan siyaasadda ka fadhiisanin.

Taariikh nololeedkiisa oo kooban:

Xassan Abshir Faarax Waxa uu ku Dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1943 kii. 1963 ciidanka xoogga ayuu ku biiray.  1973 waxaa loo magacaabay Duqqa Magaalada Muqdisho, isaga oo ahaa Maayerkii ugu da’da yaraa. Xasan Abshir Faarax 1998-kii, waxa uu ka mid ahaa Aasaasayaashii Dowlad-goboleedka Puntland.

2001, Dowladdii Ku-meel-gaadhka ahayd ee Soomaaliya ee lagu soo dhisay magaalada Carta ee dalka Jabuuti oo uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan, ayaa Xasan Abshir Faarax loo Magacaabay Raiisul-wasaare. 2006 ilaa 2007 Dowladdii Madaxweyne c/laahi Yuusuf ayaa Xasan Abshir Faarax u Magacaabay Wasiirkii Howlaha Guud.

BBCSomali.com.