Hargeysa, (Aftahannews)- Saddexda xisbi Qaran ee Somaliland, ayaa kulan ay Axadda maanta ku yeesheen xarunta madaxtooyadda, waxay mar kale soo saareen heshiis dhawr qodob oo doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka ku saabsan, kuwaasoo ay ka mid yihiin in doorashooyinka Wakiillada iyo Dowladaha hoose qabsoomaya sannadkan 2020, isla markaana wakiillada lagu galo nidaamkii lagu galay 2005-kii.
Sidoo kale, waxay ku heshiiyeen in guddigii doorashadii ee hore ay La Taliyeyaal-farsamo u noqdaan Komiishanka cusub, halka heshiiskii hore ka dhigayey in awoodda doorashada leeyihiin Komiishanka hore.
Heshiiska rasmiga ah ee laga gaadhay qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo gacantooda ku saxeexeen madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyayaasha Xisbiyada UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa u dhignaa sidatan:-
Kulanka heshiiska ay ku saxeexeen Madaxda Xisbiyada iyo Madaxweynuhu markii uu soo dhammaaday, waxaa Warbaahinta la hadlay Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Waddani iyo UCID, waxaanannu hadalladooda oo talo iyo yididdiilo badani ka muuqato idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho habboon:-
aftahanin@gmail.com
Aftahannewws.com
Hargeysa/Somaliland.