Xildhibaan Jirde Oo Sheegay In Raysal-Wasaaraha Soomaaliya Uu Soo Jeediyay In Madaxweynaha & Caasimadda La Siiyo Reer Somaliland

Hargeysa, (Aftahannews)-Guddoomiyaha Ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayaa sheegay in Wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya uga qaybsoomay Dalka Jabuuti uu Raysal-wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre uu soo jeediyey isla-markaana uu sheegay in si Midnimada labada dhinac loo hirgeliyo reer Somaliland loo ogol yahay in la siiyo Madaxweynaha iyo Caasimadda.

Cabdiqaadir Jirde oo waraysi siiyay telefishanka Universal Tv, wuxuu arrintaasi ku tilmaamay inuu yahay Tusaale u yahay sida aan saxda ahayn ee ay u fikirayaan Madaxda Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, xilli buu yidhi ay la daalaa-dhacayaan arrimaha ka taagan gudaha Soomaaliya.

Guddoomiye Jirde waxa kale oo uu sheegay in Madaxda Soomaaliya aamisan yihiin in si fudud loo midayn karo  Somaliland iyo Soomaaliya “Waxay Maanta ku fikirayaan Midnimo maaha ee waa halla noo soo celiyo Somaliland, Caalamku ha noo soo karbaasho oo inta uu Qadaadka soo qabto ha la noo keeno Somaliland, khaladkii hore ee dhacayna in la saxo diyaar uma aha.”

Mudane Jirde wuxuu sheegay in Raysal-wasaare Khayre uu soo jeediyey in Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya la siiyo reer Somaliland “Inaan meesha Caqli oolin waxaad ku garanaysaa Maalintii dhawayd ee la isugu tagay Jabuuti, Khayre (Raysal-wasaaraha Soomaaliya) wuxuu la shir tagay waxaanu Somaliland siinaynaa Madaxweynaha iyo Caasimadda, hadda lama wada-hadalba oo wax meel la islama dhigin, markaa Fikradda ay innaga haystaan waa inaynu nahay Dad la soo xeraysan karo. Caqligii waaka halkaa taagan in la innagu sasabo Madaxweyne ayaa la idin siinayaa iyo Caasimadda oo sheeko Carruureed ah, wax Rag waaweyn loola yimaaddo.”

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inaan xilligan Midnimo loo baahnayn “Hadday fahmaan Somaliland uma baahnin, Somaliland-na kuuma baahna imika, shaqo ayaa kuu taalla, qabyo badan baa xaggaaga jirta (Soomaaliya). Innagu intaas oo Madaxweyne ayaynu dooranay, intaas oo jeer ayaynu doorasho galnay, Dastuur ayaynu galnay oo aynu Afti u qaadnay, iyagu kow ma joogaan, inay fahmaan oo ay yidhaahdaan Teennii baynu la liidanaaye Somaliland Faraha aynu ka qaadno (Weeyaan)..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in aan xilligan Midnimada waxba laga dheefayn “Haddii Maanta la midoobo waxay inoo kordhinaysaa ma jirto, marxaladdan la joogana in Midnimo laga wada-hadlo maaha, looma bisla, lama gaadhin, haddaynu Maanta la midowno inagana way inoo dhamaanaysaa, iyagana way u dhamaanaysaa, waynu isla degaynaa.”

Guddoomiye Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde wuxuu talooyin u soo jeediyey Madaxweynaha “Somaliland teeda ha ku foofto, Muuse-na (Madaxweynaha) ha iska iloobo Koonfurta, Dadku wuu qaybsan yahay, Dalku wuu qaybsan yahay, Mushaakil gudaheena ah ayaa jira, doorashooyinkii aynu qabsan kari la’nahay, xoogga uu halkaa gelinayo halkan ha geliyo, Caalamkana haku yidhaahdo markaanu diyaar nahay Annagaa wada-hadlayna, laakiin Maanta diyaar ma nihin ee Gacmo maroojiska naga daaya, Dantaada Adigaa nin walba ka og, Maraykankaa Adigaa ka og, Abiy Axmed adigaa ka og, Midowga Yurub innagaa ka og, Midowga Afrika innagaa ka og..”