Somaliland Iyo Taiwan Oo Soo Dhaweeyey Qoraalka Maraykanku Ku Taageerayo Xidhiidhkoodda

Hargeysa, (Aftahannews)-Dowladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Shiinaha (Taiwan), ayaa si diiran u soo dhaweeyey qoraal ka soo baxay Golaha Amniga Qaranka ee dalka Maraykanka (National Security council ‘NSC’) oo lagu ammaanay xidhiidhka dhexmaray dalalka Somaliland iyo Taiwan, iyadoo qoraalka Maraykanka lagu caddeeyey in xidhiidhka Taiwan ka bilawday Bariga Afrika uu yahay mid yimid xiligii loogu baahida cuslaa.

Qoraallo lagu faafiyey Twitter-ka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland iyo Wasaaradda Khaarajiga Taiwan maanta (10 July 2020), waxa lagu sheegay inay ku faraxsan yihiin qoraalka lagu bogaadiyey xidhiidhkooda ee ka soo baxay dowladda Maraykanka, waxayna Somaliland iyo Taiwan iftiimiyeen inay labadooda waddan xidhiidh fiican la leeyihiin dalka Maraykanka.

Somaliland iyo Taiwan waa laba dal oo ka midaysan inay caalamka ka helaan aqoonsi buuxa oo dhinac walba ah, waxayna hadda si fiican oo u gaar ah ula macaamilaan, heshiisyo iskaashina la galaan dalal badan oo adduunka ah.

Dowladda Maraykanku waxay muddooyinkii u dambeey wax weyn ka beddeshay siyaasadeeda arrimaha dibadda iyo qorshayaasha khuseeya danahooda qaran, amni iyo dhaqaale, waxayna calaamadiyeen in dalka Shiinuhu yahay cadawga koowaad (enemy number one) ee danaha Maraykanka, waxaannu Shiinuhu kaalintaas koowaad ka cidhiidhsaday kooxaha loo yaqaan argagixisada iyo dalal kale oo Maraykanku u aqoonsan yahay inay halis ku yihiin dalkooda, sidaa darteed dagaalkooda siyaasadeed iyo dhaqaale waxay ku jiheeyeen dhinaca Shiinaha, weliba meelaha sida gaarka ah loogu dagaalamayo waxa ugu mihiimsan qaaradda Afrika, taasina waxay keenaysaa in dagaalkaas u dhexeeya Shiinaha iyo Maraykanku uu faa’iido u noqdo Somaliland iyo Taiwan, balse waxa dawladda iyo dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan sidii loo adkayn lahaa hannaanka dowladnimo iyo ku-dhaqanka sharciga, lagana fogaado qabyaaladda iyo wax kasta oo caqabad ku noqon kara ka midho-dhallinta qaddiyadda aqoonsiga iyo horumarka dalka Somaliland.