Zidane Muxuu Ka Yidhi Dib U Soo Laabashadda Aden Hazard?

Macalinka reer France iyo kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa xaqiijiyay in Eden Hazard uu weli u baahan yahay waqti uu ku soo laabto si uu uga qeyb galo kulamada ay ciyaarayaan.

Dhinaca kale Zinedine Zidane ayaa wuxuu meesha kaga saaray suurtogalnimada uu Eden Hazard qeyb kaga noqon karo kulanka Copa del Rey ay habeen dambe Arbacada kula ciyaari doonaan kooxda Real Zaragoza.

Zidane ayaa ka soo muuqday shir jaraa’id kahor kulanka habeen dambe Arbacada ee Copa del Rey wuxuuna yidhi:“Waxaan door bidaa in dhamaan ciyaartoydu ay diyaar ii noqdaan aniga, gaar ahaan markaan ka hadlayno ciyaaryahan sida Hazard oo kale ah”.

“In kasta oo uu ku soo laabtay tababarka, laakiin isagu wali qeyb kama ahan kooxda, waan arki doonaa toddobaadkan, waxaana qiimeyn doonaa xaaladiisa” ayuu yidhi Zidane.