Maraykanka Oo Soo Saaray Sharci Uu Ku Xakamaynayo Dalxiiska Dhalmada Iyo Dalal Mamnuucay

Hargeysa, (Aftahannews)- Dawladda Maraykanka soo rogtay sharci cusub oo xakamaynaya waxa loo yaqaanno ‘Dalxiiska dhalmada’ oo ah in hooyooyin uur lihi marka uu sidkoodu dhowyahay ay dalxiis ama ujeedo kale oo sharci ah ku tagaan Maraykanka, si joogitaankoodu uu ugu beegmo dhalmadooda. Taas oo ah xeelad ay doonayaan in ilmaha ay dhalayaan uu helo jinsiyadda Maraykanka.

Qodobka 14 ee dastuurka dalka Maraykanka ayaa dhigaya in ilme kasta oo dhulka Maraykanka ku dhashaa uu si toos ah u helayo jinsiyadda Maraykanka, xitaa haddii labadiisa waalid aanu midkoodna Maraykan ahayn. Arrintaas ayaa la aaminsanyahay in ay sabab u tahay in dumar badan oo xilligii dhalmadoodu dhowyahay ay dalka Maraykanka soo galaan, si ay ay ilmahooda uga faa’iideeyaan qodobkaas. Sida uu ku warramayo wargeyska Financial Times oo ka soo baxa dalka Maraykanka, tirokoobyo ay hay’ado madaxbannaan sameeyeen ayaa sheegaya in sannad kasta qiyaas 30 kun oo carruur ahi ay habkan ugu dhashaan dalka Maraykanka. Laakiin xukuumadda Maraykanka ayaa u aragta in arrintaas ay ku hayso culays dhaqaale oo gaadhaya ilme kasta 100 kun oo doolar.

Warsaxaafadeed dusha sare lagaga qoray ‘DEG-DEG’ oo 23-kii bishan Jeenaweri ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 24-kii Jeenaweri, aanay wasaaraddu soo saari doonin fiisayaasha hooyooyinka doonaya in ay Maraykanku ku soo umulaan, si ay jinsiyad ugu helaan ilmahooda. Sababta ay tallaabadan u qaaday ayaa ay wasaaraddu ku sheegtay, in lagu xoojinayo badbaadada dadweynaha, amniga qaranka, iyo in la mideeyo nidaamka socdaalka ee dalka Maraykanka.

Majalajadda ‘The Atlantic’ ayaa sheegaysa in Maraykanku aanu ahayn dalka keliya ee uu sharcigaas dhalashada jinsiyadda lagu helayaa ka jiro, isla markaana ku keenay dalxiiska dhalmada. Balse ay sida oo kale jiraan 30 dal oo kale oo dhammaantood imika dareemaya in dhalmada dalxiisku ay culays ku hayso, inkasta oo tirada hooyooyinka tegeyaa ay kala duwan tahay. Waxaa ka mid ah dalalka Kanada, Baraasiil, Argentina iyo xitaa dalal ku yaalla Afrika iyo Aasiya oo ay ka mid yihiin Lesotho iyo Pakistan. Dalka Kanada oo kale, degmada Quebec oo keliya tirokoobyadii u dambeeyey waxa ay sheegayaan in intii ka dambaysay sannadkii 2010 kii ay boqolkiiba 1.5 korodhay tirada dumarka dhalmada u tegeya dalkaas si ay u helaan jinsiyadda.

Waxaa iyaguna jira dalal culayskan hore u dareemay, oo qaaday tallaabada uu hadda Maraykanku ka fikirayo, waxaa ka mid ah dalka Faransiiska oo sannadkii 1993 kii soo saaray sharci jinsiyad siinta ilmaha ku dhasha ku xidhaya shardi ah in labadiisa waalid midkood haysto Jinsiyadda Faransiiska, ama uu hore ugu dhashay. Halka dalka Ireland uu isaguna jinsiyadda ka mamnuucay ilmaha ku dhasha, haddii aanay labada waalid midkood dalka u dhalan. Waxa kale oo isla jidkaas maray dalalka Australia iyo New Zealand.

Wargeyska ‘Wall Street’ ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa sheegaya, tirada ugu badan ee hooyooyinka ‘Dalxiiska dhalmada’ ku yimaadda Maraykanku in  ka soo jeedo dalka Ruushka. Waa soo raaca dalalka Aasiya oo uu ugu badan yahay dalka Shiinuhu.

Wargeyska Geeska Afrika