Sporting Lisbon Oo Aqbashay Dalabyadda Barcelona Iyo Man.United

Kooxda reer Portugal ee Sporting Lisbon ayaa aqbashay labadii dalab ee ay Bruno Fernandes ka soo kala gudbiyeen kooxaha Manchester United iyo Barcelona, iyadoo haatan la filayo in saacadaha soo socda uu ciyaaryahanka go’aan ka gaaro kooxdii uu dooranayo.

Sky Sports oo heshay nuqul ka mid ah dalabka Manchester United ayaa faahin ka bixisay nooca dalab ee laga aqbalay Red Devils.

Qiimaha ugu horeeya ee ay Manchester United si kaash ah u bixin doonto waa 55 milyan euro. Waxaa la socda lacag 10 milyan euro oo ku xidhan sharuudo fudfudud oo uu ciyaaryahanka soo bixi karo. Halka Man United ay bixin doonto 15 milyan euro kale oo ku xidhnaan doonaan shuruudo adag sida in Fernandes uu ku guuleysto Ballon d’Or.

Iyadoo dalabyada Man United iyo Barcelona ay yihiin kuwa aqbashay Sporting, kooxda reer Portugal ayaa haatan u ogolaaneysa in ciyaaryahanka uu isagu go’aan ka gaaro mustaqblkiisa.

Sida ay Sky Sports sheegtay in la soo gabagabeeyo arinta Fernandes waxaa inaga xigta kaliya saacado.

Hilinka Ingiriiska ayaa sidoo kale sheegaya in dalabka Barcelona uu wax yar ka qiimo sareeyo kan Manchester United, laakiin qeyb badan oo lacagtaas ah lama bixin doono ilaa iyo xagaaga.

Barcelona waxay dooneysaa inay soo iibsato Fernandes oo ay durbadiiba amaah ku siiyo Valencia si ay amaah ugu qaataan weeraryahanka Valencia Rodrigo Morena kaasoo bedelaya xiddiga dhaawacan ee Luis Suarez.

Qorshaha Barcelona ayaa ah inay Fernandes amaahda ka soo ceshato oo ay ku bedesho midkood xiddigii baxa Arturo Vidal ama Ivan Rakitic.