Dawladda Soomaaliya oo shaacisay mashruuc ay ku maalgelinayso Dhalinyarada Somaliland

Muqdisho (Aftahannews)- Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay maanta shaacisay mashruuc balaadhan oo hal-abuureed oo ay ku maalgelinayso Dhalinyarada Somaliland.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo hadal ka jeediyay furitaanka mashruucan ayaa waxaa uu sheegay in mashruucan ay ka faa’idaysanayaan Dhalnyarada ku dhaqan magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.

Mashruucan ayaa waxaa gacan ka gaysanaya dowladda Mareykanka iyo qaar ka mid ah bangiyada Soomaaliya ka jira.

Maal-gelinta mashruucan ayaa waxaa wejigiisa koowaad ka qeyb-galaya in ka badan 340 dhallinyaro, waxaana ku baxaya 1,600,000 oo doollar.  

 

Hoos ka daawo muuqaalka warka

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.