Farmaajo, Abiy iyo Afwerki oo soo saaray war-murtiyeed

Asmara (Aftahannews)- Hoggaamiyayaasha Somalia, Ethiopia, Eritrea ayaa war-murtiyeed ay kasoo saareen magaalada Asmara oo ay maanta ku kulmeen ku sheegay inay doonayaan in la aasaaso Iskaashiga Geeska Afrika oo ilo diblomaasiyadeed sheegeen inuu yahay iskaashi cusub oo goboleed.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa war-muritiyeed ay soo saareen ku sheegay inay ku heshiiyeen inay kala tashadaan madaxda kale ee Geeska Afrika sidii looga midho-dhalin lahaa fikirkaasi iskaashiga cusub ee Gobolka Geeska Afrika.

Waxay sheegeen saddexda hoggaamiye inay isla qaateen qorshe waxqabad ee sannadkan 2020-ka iyo wixii ka dambeeyaba, kaasi oo diiradda saaraya laba hadaf oo kala ah xoojinta nabadda, degganaanshaha iyo amniga, iyo kobcinta dhaqalaha iyo horumarinta bulshada.

Dhinaca amniga waxay sheegeen sadedxda hoggaamiye inay ku heshiiyeen inay la dagaalamaan isla markaana baabi’iyaan halista uu gobolku wajahayo ee dhinaca argagisixsada, isku socodka hubka iyo maandooriyayaasha.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.