Real Madrid Oo La Wareegtay Hoggaanka Horyaalka Spain

Real Madrid ayaa la wareegtay hogaanka horyaalka La Liga ka dib markii ay 1-0 ku garaaceen kooxda Real Valladolid iyadoo goolka guusha uu dhamaadkii ciyaarta u dhaliyay difaaca midig Nacho.

Guusha ay gaadhay Los Blancos ayaa la micno ah inay saddex dhibcood nadiif ah ku qabteen hogaanka horyaalka La Liga iyagoo ka faa’ideystay guuldaradii Barcelona ka soo gaartay Valencia.

Real Valladolid iyo Real Madrid ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah waxa uuna kulankan ka tirsanaa wareegga 21-aad ee La Ligaha , waxa ayna ciyaarta aheyd mid heerkoodii uu ahaa midka iska dhex dhexaad ah.

Labada koox waxa ay soo badnhigeen ciyaar aan xaraarad laheyn mana jirrin kubad cadaadis leh inkastoo Real daqiiqaddii 11-aad gool uu dhaliyay Casemiro looga diiday Offside halka kooxda martida loo ahaa dhankeeda laba fursad uu ka bad baadiyay goolahayaha Real .

Kulankaan dhanka Real wax badan ayaa ka maqnaa dhanka farsamada mana jrrin fursado ay abuurayeen waana adkeyd in kubadda gaarsiiyaan Karim Benzema

Garbaha Real kulankaan waa ay liiteen waliba garabka bidix ee Mendy ,waxaana labada koox ka maqnaa in kubadda dadajiyaan .

Soo laabashadii , Real iyaga ayaa ku badnaa kubadda balse dhmeytirka ayaa ka maqnaa halka Real Valladolid ku tiirsanayeen kubadaha rogaal celiska ah .

Real Valladolid waxa ay ciyaarayeen daafac adag balse waa u nuglaayeen goolka koowaad marka la eego qaabka Real dagaalka ugu jireen in ay kubadda gaarsiiyaan afka hore ee Real Valladolid .

Guud ahaan Real iyaga ayaa kubadda haysatay balse waxa Real Valladolid ku wacnaayeen difaac waxaana muuqaneysay Zidane ku qasban yahay bedel .

 

Real waxaa ka maqnaa in kubadda weerarka af jaraan xilli ay si weyn u tagayeen aagga goosha ,waxa uuan tababare Zidane daqiiqadii 73-ad u saaray Isco isaga oo soo giliyay Lucas VazquezDadaalkii Real waxaa ku yimid gool uu madaxa ku dhaliyay Nacho waxa ayna aheyd daqiiqadii 78, xilli kooxda Real Valladolid ay sameynayeen isku dayo ay ku raadinayeen goolka bar bar dhaca .

Real Valladolid daqiiqadi 86-aad waxaa laga diiday  gool ay dhaliyeen sababo la xariira Offside balse waa mudnaayeen marka la eego qab ciyaareedkooda  balse waxaa loogu dhameeyay halkaas gool ee ay Real guusha ku raacday kulana wareegtay hogaanka La Ligaha .