Kororka Fayriska Corona Virus Iyo Walaaca Xukuumadda Somaliland

Hargeysa, (Aftahannews)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay Xanuun ka dilaacay Dalka Shiinaha, kaasi oo illaa hadda sababay Geerida tobanaan Qof, isla-markaana ay Cisbitaallada u jiifaan Boqollaal kale Dalkaasi.

Xanuunkan Corona Virus oo ah Caabuq ku dhaca Neef-mareenka Bani-aadamka ayaa Xukuumadda Somaliland u soo jeedisay Shacabka Somaliland inay ka feejignaadaan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Md. Mahdi Cismaan Buuri oo Shir-jaraa’id qabtay ayaa sheegay inay Wasaarad ahaan Meelaha Dalka laga soo galo, sida Garoomada diyaaradaha ay dhigeen dhakhaatiir baadhitaan ku sameeya Dadka ka soo degaya, si looga digtoonaado Xanuunka aadka u fidaya ee Shiinaha ka dillaacay.

Wasiir ku-xigeenku wuxuu  dardaaran u jeediyey Cid kasta oo Shacabka Somaliland ah Dalka dibeddiisa u safarta, sida Ganacsatada.

Sidoo kale, Faafidda feyriska ku dhaca neef mareen ayaa si xawli ah ugu sii fidaya dalka Shiinaha, waxaa sidaasi ka digay madaxwaynaha Shiinaha Xi Jinping.

Mdaxwaynaha ayaa kulan degdeg ah isugu yeeray sarakiisha dowladda xilli dalkaasi looga dabaaldagayo snadka cusub ee Shiinaha ee Lunar.

Dalka waxa uu wajahayaa “Xaalad qalafsan” waxaa uu Mr Xi sidaasi u sheegay saraakiisha sarsare.

Feeriska ayaa waxaa ilaa iyo imika u dhintay ugu yaran 56, halka uu guud ahaan Shiinaha uu soo ritay dad gaadhaya 2,000.

Waxaa aqlabiyada dadka uu cudurkan soo ritay ay ku nool yihiin magaalada Wuhan.

Seynisyahano ayaa sheegaya in dowladda Shiinaha laga doonaya in ay dhinto heerka isu gudbinta feeriskan faraha ba’an ku haya dalkaasi ee neef mareenka ku dhaca %60 waa haddii ay tahay in cudurka la joojiyo.

Digniintan ka timid xarunta xakamaynta cudurada ee UK ayaa imanaysa xilli ay dowladda Shiinaha ku dhawaaqday in tirada dhimashada cudurkan ay sii koradhay.

Mas’uuliyiinta waddanka Shiinaha ayaa joojiyay adeegyadii diyaaradaha iyo tareennada ee magaalada Wuhan – oo ah magaalo ay ku nool yihiin 11 malyan oo ruux – waxaana sidoo kale la hakiyay gaagiidkii dadweynaha ee ka dhex shaqeynayay gudaha magaalada.