Puntland: “Madaxweyne Farmaajo Ayaa Qaadi Doona Cawaaqib Xumada Ka Dhalata Diidmada Shahaadada…”

Garoowe (Aftahannews)-Wasiirka waxbarashada Puntland, Cabdulaahi Maxamed Xasan oo saxaafada kula hadlay magaalada Garowe, ayaa sheegay Puntland marnaba in aysan ka qeyb qaadandoonin imtixaan midaysan, illaa uu dalku ka yeesho manhaj lagu midaysan yahay.
Wasiirka waxbarashada ayaa ku eedeeyay dowladda federalku in ay jebisay dhammaan heshiisyadii waxbarashada ee tilmaamayay in Puntland awood uleedahay inay maamulato imtixaankeeda, dowladda federalkuna bixiso shahaadadii looga baahnaa.

Wasiirku wuxuu sheegay in madaxweyne Faramajo uu qaadidoono masuuliyadda iyo cawaaqib xumada ka dhalata in arday Soomaaliyeed loo diido shahaadada ay xaq u lahaayeen.
Waxaa wasiirku dhaleecayn dusha uga tuuray matalayaasha Puntland ee dowladda federalka, isagoo ku eedeeyay inay ka gaabiyeen sidii ay wax uga qaban lahaayeen xanibaada uu sheegay in lagusoo rogay dadkii ay matalayeen.

Cabulaahi Jaamac Xasan, waxa uu tilmaamay in wasiirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya uu burburiyay isfaham horey looga gaaray khilaafkii arrinta shahaadada.