Somaliland iyo Djibouti oo Ka Hadlay Markab Xadhig Internet Jiidaya oo Berbera laga Celiyey iyo Sababta

Djibouti/ Hargeysa (aftahannews):- Xukuumadaha Somaliland iyo Djibouti, ayaa ka hadlay Markab Jiidayey Xadhigga Internet-ka Badda hoos-mara oo laga leeyahay Dalka Jabuuti, isla markaana Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland ka celiyeen Badda, waxaanay dowladda Jamhuuriyadda Djibouti ku doodday inaanu Xadhiggaasi u socon Berbera, halka ay Somalilandna ku doodday inaanu Markabkaasi oggolaansho ka haysan.

Haddaba, Wasiirrada Wasaaradaha Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Djibouti iyo Somaliland Siyaad Cabdillaahi iyo Cabdiweli Sheekh Suuxi oo labadooduba u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa faahfaahin ka bixiyey Markabkaas, waxa lagu celiyey, halka uu u socoday iyo arrimo kale iyo weliba halka ay wakhtigan wadahadallo labada dhinac u bilaabmay u marayaan.

Waraysiga labada Wasiir ee Isgaadhsiinta u kala qaabbilsan Somaliland iyo Jabuuti, su’aalaha la weydiiyey iyo jawaabaha ay bixiyeen oo dhammaystiran, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaal-dhegaysigan hoose ee ka bogasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.