Halkan ka Daawo Heestii Hurre iyo Cambaro Qaybtii Labaad

Qormadeena Suugaanta iyo Dhaqanka ee maanta iyo Aftahannews.com waxaynu ku soo qaadanaynaa qaybtii labaad ee heestii dhaqanka ahayd ee dhexmartay Cismaan Ibraahin Warsame(Hurre Walanwal)iyo Cambaro Nuux Maxamed.
Hees dhaqameedkan ayaa dhex martay ku sinaan lixdamaadkii taasoo ka dhacday deegaanka Buuhoodle .sidaad ka daawateen qaybtii koobaad ee hees dhaqameedkan waxay ka bilaabantay ciyaartu aroos la isugu yimi oo markii ciyaartu bilaabantay uu Hurre ka heesay isagoo la hadlayay inanta aroosadda ah oo ay isku deegaan yihiin laakiin waxaa isla goobtii ciyaarta ugu soo baxday Cambaro.
Waana halka Hurre iyo Cambaro ay iskala qaadeen heesta hadaba dhugasho wacan iyo daawasho wanaagsan qaybtii labaad ee hees dhaqameedkii hurre iyo Cambaro iyo Abwaan Yuusuf Cismaan(Yuusuf Shaacir oo inoo soo gudbiya iyo Aftahannews.com oo idiin balan qaadaya inaad toos ugala socotaan suugaanta iyo dhaqanka Soomaalida

.

Aftahannews.com
Hargeysa Somaliland