Taageerayaal Kubadda Cagta Ah Oo Koox La’aanni  Ku Dhacday

Markii kooxda Bury FC laga mamnuucaya horyaallada kubadda cagta dalka Ingiriiska, bishii August 2019, taageerayaasheedii waxay noqdeen koox la’aan, iyagoo waayay wax ay sameyn jireen galab kasta.

 Kuwo badan oo ka mid ah waxay dareemeen in ay xanuun ku tahay daawashada kubadda cagta wixii xilligaas ka dmabeeyay. Laakiin qaarkoodna waxay rajeynayaan in si uun ay kooxdoodii dib ugu soo noolaan doonto. Gabadha sawir qaadaha ah ee lagu magacaabo Madeleine Penfold ayaa xaaladdooda la socotay.

Maalin kasta oo, Kenny Hindle wuxuu ka bixi jiray gurigiisa, bas ayuuna u qaadan jiray magaalada, si uu u soo daawado kooxda uu taageeri jiray in ka badan 70 sanno.

Kooxda Bury FC waxaa laga mamnuucay ka qeyb galka horyaallada kubadda cagta ee dalka Ingiriiska ka dib markii uu guul darreystay isku day lagu doonayay in lagula wareego, sidaas awgeedna la bixin waayay dhaqaalihii ay dowladda ua baahneyd.

“Maxaad sameyn kartaa kubbad la’aan?”, ayuu yidhi Hindle oo hadda 78 jir ah. “Waa caajis marka aad telefishin kaliya iska daawaneysid”, ayuu yidhi.

Kenny kaligiis kuma aha dareenka noocan ah. Xildhibaanka cusub ee degmada Waqooyiga Bury, James Daly, wuxuu khudbaddiisii ugu horreysay ee baarlamaanka ku sheegay in khasaaraha ku yimi kooxda Bury FC “uu sii kordhiyay kalinimada bulshada” aynna dadka taageerayaasha ah qaarkood “dib dambe u arki karin saaxiibbadii ay sameysteen intii ay noolaayeen oo dhan”.

Markii si kama dambeys ah loo xidhay albaabbada garoonka kooxda, taageerayaashii daacadda ahaa qaarkood waxay garoonka Gigg Lane uga tageen funaanadihii, cumaamadihii iyo calamadii ay wadan jireen.

Qaarkood waxay ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid yihiin “Dale ha baxo” – kaasoo loola jeedo nin kooxda saamigeeda ugu badan lahaa oo markii ugu horreysay ku iibsado £1 ugu dambeyntiina bixin waayay mushaaraadka ciyaartoyda.