Dhul-gariir: Somalia Oo Turkiga Uga Tacsiyadaysay Khadka Telefoonka

Muqdisho (Aftahannews)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,  Xasan Cali Khayre ayaa dowladda  Turkiga uga tacsiyadeeyay dhibaatadii ka dhalatay dhul-gariirkii ka dhacay gobalka Elazig ee Bariga Turkiga.

Xasan Cali Khayre oo khadka Telefoonka kula xidhiidhay Madaxweyneku-xigeenka Turkiga, Fuat Oktay, ayaa u muujiyay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga tiiraayoonayaan dhibaatadii ka dhalatay dhul-gariirka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rejayay dadka waxyeeladdu ka soo gaadhay dhul-gariirka in si dhaqsa leh ay ku bogsadaan.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay, in ka badan1,015 kalena way ku dhaawacmeen dhul giriirka oo jimcihii xalay ku dhuftaybariga Turkiga, sida ay mas’uuliyiintu sheegeen.

Dhul gariirka oo cabbirkiisu ahaa 6.8-magnitude,ayaa dhacay saacadu markay ahayd 8.55 p.m. waqtiga maxalliga ah.