Maxay ka Wahadleen Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka & Madaxda Soomaaliya?

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Tibor P. Nagy
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Tibor P. Nagy

Muqdisho(aftahannews):- Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Tibor P. Nagy oo Safar ku yimi magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka, ayaa kulammo la yeeshay Ra’iisal-wasaaraha federaalka Xasan Cali Khayre, Siyaasiyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Xubno ka socday Ururrada Bulshada rayidka ah ee Muqdisho, waxaanay ka wadahadleen xaaladaha dalka ee dhinacyada nabadgelyada, horumarinta dhalinyarada Jaamacadaha, Ururrada Bulshada iyo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee 2020/2021-ka.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Tibor P. Nagy
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Tibor P. Nagy

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ra’iisal-wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka, ayaa kulankooda kaga wadahadlay dib uhabaynta amniga iyo horumarinta dhaqaalaha, la-dagaallanka argaggixisada iyo arrimaha la xidhiidha doorashooyinka iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Kaaliyaha Xoghayaha, ayaa sheegay inay Maraykanka ka go’antahay inay taageerto dedaallada dowladda Soomaaliya ay ku hormarineyso nabadda iyo in lala dagaallamayo Al-Shabaab. Intii lagu guda jiray booqashadiisa, Kaaliyaha Xoghayuhu wuxuu sidoo kale la kulmay wakiillo ka socda bulshada rayidka ah iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah qaarkood.

Tibor P. Nagy oo safarkan uu Muqdisho ku soo gaadhay ku soo maray dalal kala duwan oo Afrika ah, ayaa ujeeddada safarkiisa lagu tilmaamay inuu iftiimin doono sida ay Mareykanku uga go’antahay la shaqeynta dhalinyarada Afrika. Wuxuu horumarin doonaa Barnaamijka Iskaashiga Jaamacadda, oo ah barnaamij cusub oo loogu talagalay in lagu dhiirrigeliyo iskaashiga ka dhexeeya jaamacadaha Mareykanka iyo Afrika.

Booqashadiisa ayaa sidoo kale iftiimin doonta sannad-guuradii 10-aad ee Hoggaamiyaasha Hoggaanka Da’yarta ee Afrika (YALI), oo ah barnaamij ka dhalinyarada Afrikaanka u fududeynaya xiriirrada ay la leeyihiin asaagooda Mareykanka iyo guud ahaan Afrika.

Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay lix waddan oo uu kuxigeenka xoghayuhu ku nuux nuuxsaday muhiimadda ay leedahay kor u qaadista dowlad wanaagga. dimoqraadiyada, horumarinta nabadda, amniga gobolka, la dagaallanka musuqmaasuqa, iyo xoojinta xiriirka ganacsi iyo maalgashiga.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia.