Maraykanka oo Shaaciyey in Ciidan Iran Ku Duqaysay Saldhig Ciraaq ah Xanuunno Maskaxeed Ku Dhaceen

SALDHIGGA MARAYKANKU KU LEEYAHAY CIRAAQ EE IRAN DUQAYSAY 2020
SALDHIGGA MARAYKANKU KU LEEYAHAY CIRAAQ EE IRAN DUQAYSAY 2020

Washington(aftahannews):- Waaxda gaashaandhiga ee Mareykanka ee Pentagon ayaa waxay shaaciyeen in 34 askari uu dhaawacyo dhanka maskaxda ah uu ka soo gaaray weerarkii ay Iiraan ku qaaday saldhig uu Mareykanka ku leeyahay Ciraaq.

SALDHIGGA MARAYKANKU KU LEEYAHAY CIRAAQ EE IRAN DUQAYSAY 2020
SALDHIGGA MARAYKANKU KU LEEYAHAY CIRAAQ EE IRAN DUQAYSAY 2020

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

17 askari ayaa ilaa iyo imika ay ku socotaa qiimayn dhanka caafimaadka maskaxda ah. Madaxwayne Donald Trump ayaa sheegay in uusan jirin askar wax ku noqotay weerarkaasi dhacay 8 January, islamarkaana weerar ay Iiraan kaga aargoosanaysay dilkii ay Mareykanka dileen Janaraal Qaasim Suleymaani.

Mr Trump ayaa xusay in weerarkaasi oo uusan khasaaroka dhalan darteed uu qaatay go’aanka ah in uusan dib weerar ugu qaadin Iiraan. Balse toddobaadkii aanu soo dhaafnay, ayaa Pentagon-ka waxay sheegeen 11 askari la daaweeyay ka dib markii lagu arkay calaamado muujinaya in naxdin ay ka muuqato.

Mar toddobaadkan madaxwayne Trump oo ku sugnaa magaalada Davos, ee Switzerland, wax laga waydiiyay arrintan ayaa waxaa uu yiri “waan maqlay in askartaasi madaxa xanuunayo iyo waxyaabo kale, balse waxaan idin sheegi karaa ma aha mid halis ah.”

Jimcihi, ayaa waaxda gaashaandhiga ee Mareykanka afhayeen u hadlay Jonathan Hoffman waxa uu wariyayaasha u sheegay in 8 ka mid ah askarta ay arrintan saameysay Mareykanka dib loogu soo celiyay si loo daaweeyo. Waxaa uu intaa ku daray in 9 askari oo kale lagu daweynayo Jarmalka. Halka 16 Askari iyaguna uu xusay in lagu daweeyay gudaha Ciraaq , ayna shaqadooda dib ugu laabteen.

Afhayeen Hoffman, ayaa sheegay in wasiirka gaashaandhiga Mareykanka Mark Esper dhowr maalmood ka dib lagu wargaliyay dhaawaca maskaxeed ee askartan soo gaaray. Mareykanka ayaa waxaa dalka Ciraaq ka jooga askar ay tiradoodu gaarayso 5000 oo askari.

Xigasho BBCSomali.com.