Xukuumadda Somaliland oo Eedayn Culus u Jeedisay Warbaahin iyo Weriyeyaal Dalka ka Hawlgala!

Hargeysa, (Aftahannews)- Wasiirrada arrimaha gudaha iyo Warfaafinta Somaliland, ayaa eedayn culus u jeedisay Hay’ado Warbaahineed, Weriyeyaal iyo Dad Baraha Bulshada wax ku qora oo Dalka ku sugan, kuwaas oo ay sheegtay inay Lacag amma Mushahar ka qaataan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay ku doodeen inay Liiskooda hayaan, waloow aanay si cad u soo bandhigin Liiska ay ku andacoodeen inay hayaan.

Kulan ay maanta magaalada Hargeysa ku yeesheen Masuuliyiin ka tirsan xukuumada Somaliland iyo xubno ka socday Warbaahinta Somaliland iyo ururka suxufiyiina Somailand ee SOLJA ayaa lagu lafa-gurayey doorka ay saxaafadu ka qaadan karto nabadda Somaliland.

Kulankan oo ka dhacay Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland, waxa hadal ka jeediyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, kaas oo sheegay inay dawladda ahaan (Somailand) ay hayaan liiska Wariyeyaal iyo Telefishano dawladda Soomaaliya lacago ka qaata, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir Maxamed Kaahin oo arintaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Anagu doonimayno Saxaafada Somaliland iyo dawladdu inay coloobaan ma rabno, ma doonayno inaanu noqono qolo wax fadhaysa oo saxaafada fadhaysa oo saxaafada ay is cadaawadaysanayaan, liis ayaan halkaa ku hayaa sodon wariye iyo telefishan ayaan halkaa ku hayaayoo dawladda Soomaaliya lacag ka wada qaata, maanta miyaad maqasheen cid dawladda ka tirsan intay idin soo horfadhiisatay ay idinku tidhi intaasaanu haynaa.

Dawadd waliba sibaa wararka loo helaayoo, wararka waxa dawladd loo yahay in war la helo, ma doonayno markaa in aanu ku degdegno ama dawladdu ay aad ugu degdegto in arimaha noocaas ah mushkiladda laga dhigo, waxaan aad ugu faraxsanahay in aanay habluhu ku jirin,” ayuu yidhi Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo halkaasi ka hadlay.

Wasiirrada Warfaafinta iyo Arrimaha Gudaha Somaliland oo arrimahaas ka hadlaya, waxaannu sidoo kale idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.