Somaliland Siday u Bilaabaysaa Diiwaangelinta Qaxoontiga iyo Barakacayaasaha Dalkeeda Jooga?

Hargeysa, (Aftahannews)- Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Somaliland, ayaa shaacisay inay Axadda Berri ee 26-ka bishan bilaabi doonto diiwaangelinta tirada rasmiga ah ee qaxoontiga iyo barakacayaasha dalka ku sugan oo ay tiro aan sugnayn oo ay ka hayso soo bandhigtay.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo furay Mashruucan diiwaangelinta qaxoontiga iyo dadka dalka gudihiisa ku barakacay, ayaa halkaas ka hadlay, waxaanu tilmaamay ahmiyadda ay leedahay diiwaangelinta qaxoontiga ku sugan waddanka, isagoo ku ammaanay Hay’adda Qaxoontioga iyo Barakacayaasha qaranka shaqada culus ee ay bilowday.

Madaxweyne ku xigeenka oo furay Xafladaasi ayaa yidhi “Salaan ka dib waxaa runtii maanta sharaf iyo farxad weyn noo ah in nidaam lagu diiwaan gelinayo dadka magan galyo doonka ah ee qaxoontiga Somaliland inala jooga oo lagu ogaanayo tiradooda rasmiga ah inay tahay arrin aad iyo aad u muhiima”

Madaxweyne ku-xigeenka qaranka Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu sheegay inaan maanta qaxoontiga ku sugan Somaliland aanay dareemin wax faquuq ah islamarkaana ay nabad gelyo ugu nool yihiin waddanka “Waxay taasi muujinaysaa inaynu innaguna Caalamka shuruucdiisa  aynu dhawrno waana ta keentay in laynoo yimaado iyadoo aan maanta adduunyadu ina ictiraafsanayn ay maanta dadku magan gelyo inoo soo doontaan oo inay nabad ku noolaadaan inoo soo raadsadaan oo ay inagu dhex nool yihiin oo aanay faquuq ka dareemin waddanka Somaliland maanta”

Dhanka kale Waxa uu Madaxweyne ku-xigeenku laamaha kala duwan ee Dawladda ku booriyey inay diiwaan gelintaa kala shaqeeyaan Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka “Waxaan leeyahay laamaha kala duwan ee Dawladdu inay Hay’adda  kala shaqeeyaan muddada diiwaan gelintu socoto sidii dadkaa loo diiwaan gelin lahaa oo xogtooda rasmiga ah aan u wada heli lahayn”.

Warkaas oo faahfaahsan oo ay Masuuliyiin kala duwani hadallo ka jeediyeen, isla markaana lagu soo bandhigay qaabka tiro-koobka qaxoontiga loo bilaabayo 26-ka bishan koowaad ee 2020-ka oo Axadda ku beegan, laguna soo bandhigay tirada aan rasmiga ahayn ee Qaxoontiga iyo Barakacayaasha wakhtigan dalka ku sugan iyo waddamada ay ka yimaaddeen, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.