Tababaraha Arsenal Oo Ka Hadlay Xanta Barcelona Ee Aubameyang

Macalinka kooxda kubadda cagta Arsenal ee Mikel Arteta ayaa wuxuu ka jawaabay wararka la xidhiidhanaya Pierre-Emerick Aubameyang inuu ku biirayo naadiga Barcelona inta lagu guddi jiro suuqa bishan January, si uu ugu noqdo bedelka Luis Suarez oo mudo 4 bilood ka maqnaanayo Barca.

Xiddigii hore kooxda Liverpool ayaa la dhibtoonaya dhaawac xoogan ee dhanka Jilibka ah uu garoomada kaga maqnaanayo inta ka dhiman xilli ciyaareedkan, kaddib markii qaliin lagu sameeyay.

In ka badan hal magac oo weyn ayaa waxay ka soo muuqdeen liiska xiddigaha ay kooxda Barcelona dooneyso inay ka dhigato bedelka Luis Suarez, waxaana ku jira Edinson Cavani, Pierre-Emerick Aubameyang iyo Rodrigo Moreno.

Macalin Mikel Arteta ayaa wuxuu ka hadlay wararka la xidhiidhinayo Pierre-Emerick Aubameyang inuu ku biirayo kooxda Barcelona wuxuuna yidhi:“Toddobaad ka hor, kaddib ciyaar aan ku ciyaaro garoonkeena, waxaan ka wada hadalnay in Aubameyang uu aad u faraxsanaa, isla markaana uusan raacsaneyn waxyaabaha ku qoran warbaahinta, mustaqbalkiisana uu halkan yaalo”.“Aad ayaan ugu faraxsanahay arrintaas, kanni waa go’aankeyga xilligan”.