Madaxweyne Miisaanka Jidhkiisa ka dhimay 30 Kiilo iyo Hadal-haynta Bulshada

Kampala (Aftahannews)- Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni , ayaa iska ridday miisan dhan 30 kiilo, waxaannu sheegay inuu culayska intaa le’eg iska ridday cuntooyin gaar ah.

Madaxweynaha oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi; “Aniga mar walba caafimaadkeygu wuu fiican yahay, laakiin dhakhaatiirka ayaa soo saaray khaladaadka ka dibna waxaan go’aansaday inaay culeyska iska dhimo”.

Hoggaamiyahan 75 jidhka ah ayaan markii hore la soconin culeyskiisa oo gaaray ilaa 106 kiilo.Wuxuu beeniyay qoraallo faallo ahaan looga bixiyay baraha bulshada, oo lagu sheegayay inuu daal ka muuqdo, isagoo sheegay inuu xoogaa is-caateeyay kaliya.

Bartiisa shakhsi ahaaneed ayuu bishii la soo dhaafay ku yidhi: “Waxaan isku fasaxay buurnaanta jidhka oo dhan iga galay, sababtoo ah dhakhaatiirku iima sharrixin inuu dhibaato keenayo ama in loo baahnaa in buurnaanta  lala dagaallamo”.

Wuxuu intaas ku daray in hadda miisaankiisa uu yahay 76 kiilo, kaasoo ku habboon dhererkiisa oo ah 5ft 7in (170cm).Hase-ahaatee Mr Museveni ma uusan sheegin muddada ay ku qaadatay inuu iska rido 30 kiilo”Waxaan cunaa xoogaa xididka kasaafada ah, sababtoo ah ma cuno raashinkiinna Yurub iyo kuwa Aasiya toona. Waxaan cunaa raashinkeenna sida; kasaafada, mooska, misirta iyo khudaarteenna dabiiciga ah”, ayuu yidhi Mr Museveni oo u warramayay BBC-da”Marka sida caadiga ah raashinkaas ayaan xoogaa ka cunaa subaxdii. Kadibna waan ku qadeeyaa, waxa intaas ii dheerna waa inaan biyo cabo, qaxwadana sokor la’aan ku cabo, waayo sokortu aad bay u xun tahay – sokortu ma fiicna”, ayuu yidhi.

Way adag tahay in fikir laga qaato raashinka uu cuno Museveni iyadoo aan la ogeyn qiyaasta ay yihiin.Hase ahaatee, in sokorta la iska gooyo waa arrin aasaasi ah oo lagula taliyo dadka iscaateynaya.Haddii qadada laga hadlana, taasi micnaheedu waa inuu wax aad u yar cuno, ayna ugu badan tahay khudaarta dabiiciga ah.

Sannadkii 2015-kii, wuxuu Museveni sheegay in madaxweynihii xilligaas ee Mareykanka uu u sheegay inuu dhalinyaro u muuqdo, xilli ay ka wada qeyb galayeen shir ka dhacay Itoobiya”Waan illoobay inaan u sheego in sababta aan dhalinyaro u ahayd ay tahay maadaama aan cuno raashinka ka baxa Uganda”, ayuu yidhi Mr Museveni.

Mr Museveni wuxuu xukunka hayay tan iyo sannadkii 1986-kii, wuxuuna qorsheynayaa inuu u tartamo doorashada madaxweynaha ee Uganada ka dhaceysa sannadka 2021-ka. Fannaanka isu baddalay siyaasiga ee lagu magacaabo Bobi Wine, oo 37 jir ah, ayaa la loollami doona.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.