Haweenay Reer Ciraaq ah oo Damacsan Kursiga Ilhaan Cumar

Washigton (Aftahannews)- Haweeney u dhalatay dalka Mareykanka, balse asal ahaan kasoo jeeda dalka Ciraaq oo lagu magacaabo Dalia Al-Aqidi ayaa sheegtay in doorashada soo socota ee Mareykanka ay dooneyso in Ilhaan Cumar ay kula tartanto doorahsada Mareykanka, gaar ahaan Minesota oo ah halka Ilhaan laga soo doorto.

Haweeneydan oo katirsan isla xisbiga ay Ilhaan ee dimuqraadiga ayaa sheegtay in Ilhaan Cumar “ay tahay mixnad horleh oo kusoo korodhay siyaasadda Mareykanka, waxayna intaa raacisay in khaladaadka Ilhaan ay ku boorisay in ay u tartanto kursiga Aqalka Kongreska ee Ilhaan ay ku matesho Minesota.

“Sababta igu dhalisya in aan kursiga kula loolamo Ilhaan Cumar ayaa waxay tahay in waxyeelada Ilhaan Cumar ayna ku koobneyn oo keliya gobolka laga soo doortay, balse uu saameeyay guud ahaan dalka Mareykanka, ka muwaadin ahaan mas’uuliyadeyda waxay tahay in aan ka hortago naceybka iyo cunsurinimada ay ku baahineyso bulshadeeda iyo guud ahaan caalamka”, ayay tidhi Dalia Al-Aqidi oo la hadleysay telefishenka Fox News ee dalka Mareykanka.

Dalia ayaa intaa raacisay in Ilhaan Cumar looga fadhiyo in ay ka jawaabto su’aala badan, maadaama sida ay sheegtay ay “dhibaato u geysata dad badan oo Amerikaan ah “.

Waxaa kale oo ay sheegtay in Ilhaan Cumar looga fadhiyo in ay wax u qabato deegaankii laga soo doortay, sharci walba oo ay meelmarisana aanu waxtar u lahayn dadka ku nool halka laga soo dortay. Haweeneydan oo ah saxafiyad hore uga soo shaqeysay warbaahinta caalamka ayaa dalka Mareykanka qaxooti ahaan ku gashay sanadkii 1993, waxaana ay qoyskeedu kasoo jeedaan dalka Ciraaq.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli Ilhaan Cumar ay shaacisay ololaheeda doorashada oo ay markale ku dooneyso in lagu doorto.

Ilhaan ayaa bilawday hal ku dhigga ah “dib ugu celi aqalka Kongreska” oo ay ula jeedo dib u doorashadeeda.

Doorashada Mareykanka ayaa lagu wadaa in ay dhacdo bisha Nofembar ee sanadkan2020-ka, waxaana inta ka horeysa la geli doonaa doorashada xisbiyada dhexdooda, halkaas oo ay kusoo bixi doonaa hadba dadka xisbi walba ku mateli doonaa doorashada guud ee Mareykanka.

Ilhaan Cumar oo ah gabadh Soomaali ah, qaxooti ahaanna ku tagtay dalka Mareykanka ayaa kamid ah siyaasiyiinta aadka looga bartay dalka Mareykanka sanadihii dambe, waxaana ay kamid tahay dadka aadka u dhaliila siyaasadda madaxweyne Donald Trump.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.