Safiirka Mareykanka ee Somalia oo kulamo la qaatay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada

Nairobi (Aftahannews)- Danjiraha dawladda Mareykanka ee Soomaaliya Don Yamamoto ayaa magaalada Nairobi kula kulmay afar kamid ah hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada, iyagoo ka wada hadlay sidii looga gudbi lahaa caqabadaha wakhtigan ka taagan Soomaaliya.

Don Yamamoto ayaa masuuliyiinta kala hadlay ahmiyada wada hadalka iyo isu tanaasulka lagama maarmaan u ah dhinacyada isku haya siyaasada Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Mareykanka in uu weli xooga saarayo sidii loo horumarin lahaa himilooyinka Soomaaliya loona xaqiijin lahaa Soomaaliya oo nabad iyo barwaaqo ah.

Danjire Yamamoto ayaa isagoo ka hadlayay arrimaha Jubbaland waxaa uu carabka ku adkeeyay baahida deg degga ah ee loo qabo in la soo afjaro is mari waaga siyaasadeed ee ka taagan Jubbooyinka iyo in xooga la saaro la dagaalanka al-Shabaab.

Danjire Yamamoto ayaa kala hadlay madaxweyne Axmed Madoobe hormarinta dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab, xoojinta xidhiidhka dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada iyo muhiimada ay leedahay in Soomaalida oo dhami ay iska kaashadaan hormarinta amniga iyo nabadda.

Danjire Yamamoto ayaa sidoo kale la kulmay Madaxweynaha Puntland Saciid C / llaahi Deni oo ay ka wada hadleen taageerada Mareykanka ee Ciidamada Amniga Puntland, muhiimadda ay leedahay doorashooyin qaran oo loo dhan yahay, horumarka gobolka, iyo baahida degdegga ah ee iskaashiga iyo wadahadalka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Sidoo kale, Safiirku wuxuu la kulmay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed “Laftagareen, iyagoo ka wada hadlay amniga iyo iskaashiga horumarinta ee Shabeellaha Hoose. Danjiraha ayaa ku booriyay Madaxweynaha Laftagareen inuu sii wado dadaallada lagu mideynayo DFS iyo maamulada, lana xoojiyo arrimaha muhiimka ah ee qaranka, sida cafinta deynta iyo doorashooyinka soo socda.

Danjire Yamamoto ayaa si lamid ah la kulmay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare waxayna ka wada hadleen muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga Mareykanka iyo Soomaaliya ee ka dhanka ah al-Shabaab iyo la shaqeynta AMISOM. Danjiraha ayaa ku taliyay doorka muhiimka ah ee wada shaqeynta iyo xoojinta himilooyinka Soomaaliya.

 

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.