Somaliland Maxay Ka Tidhi Hadalka Janaral Cabdiraxmaan Guulwade Kaga Hadlay Xasuuqii Dhacay?

Hargeysa(Aftahannews)- Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa si adag uga hadashay hadal ka soo yeedhay Jeneraal Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) oo inuu sax ahaa ku sheegay duulaankii dadka badan lagu xasuuqay ee dowladii kacaankii ay ku qaaday Somaliland.

Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa ugu horeyntii Shacabka reer Somaliland uga tacsiyadeeyay hadalkaasi ka soo yeedhay Jeneraal Cabdiraxmaan Guulwade.

Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo aysan marnaba daacad ka aheyn wada-hadalo midho dhala oo labada dhinaca dhex-mara, maadama uu xusay inuu Guulwade hore ugu magacaabay Wada-hadalada Somaliland iyo Dowladda federaalka.

Koore ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay mareyso ciqaabta dhibtii ay u geysteen deegaanada Somaliland oo ay hore xasuuq ugu geysatay dowladdii Kacaankii.

 “Farmaajo marka uu Ninkaas u magacaabey Wada-hadalada Somaliland waxa muuqatay inaanu Jeclayn inuu sii socdo Wada-hadaladii u dhaxeeyay Somaliland Iyo Soomaaliya” Ayuu yiri Wasiirka warfaafinta Somaliland.

Wuxuuna intaas kusii daray Wasiirku “Dhibtii ay gaysteen waagaasi ayey hada Dheefteedii heleen Maydkoodina ilaa hada waa la kale guri laayahay”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hore ugu magacaabay Danjire Cabdiraxmaan Guulwade xubin ka tirsan ‘Guddiga qaran ee Dhab u heshiisiinta iyo Wada-hadalada Dowladda federaalka iyo Somaliland’, inkasta oo uu iska casilay Xubinimadaasi.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa iyaduna shalay soo saartay War-murtiyeed ay iskaga fogeynayso hadalkaasi ka soo yeedhay Guulwade oo u muuqda mid sii hurinaya kala fogaanshaha Dowladda federaalka iyo Somaliland.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.