Boobe oo Naqdiyey Hadalka Janaraal Guulwade Ku Xalaaleeyey Xasuuqii Somaliland Ka Dhacay

Hargeysa(aftahannews):- Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo ka mid ah Siyaasiyiinta Reer Somaliland, ayaa Xukuumadda ugu Baaqay inay Dacwad ka dhan ah Cabdiraxmaan Guul-wade u gudbiso Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah ee ee The Hague, waxaanu ku teliyey inaanay somaliland wax wadahadal ah la gelin Soomaaliya.

Boobe Yuusuf Ducaale oo maanta Warbaahinta kula hadlay Hargeysa, waxa uu sheegay inuu General Cabdiraxmaan Guulwade ka mid ahaa Saraakiishii gacantooda xasuuqa kaga geystay gobollada Somaliland, isla markaana aanu mudnaynba in marka hore Guddi wadahadal Soomaaliya ku soo darto hadday doonayso in si sax ah loo wadahadlaba, waxaanu duray cidda lagu beddelay markii uu guddiga wahadalka iska casilay oo ah Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

Haddaba, Warka Boobe Yuusuf Ducaale iyo sida uu arrimahaa uga hadlay-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.