kooxda Barcelona Oo U Soo Baxday Wareega 16-aad Ee Copa Del Rey

Barcelona ayaa guul soo laabasho ah ka gaadhay kooxda yar ee Ibiza oo xaalad adag ku abuurtay kooxdii da’yarta u badnayd ee uu Setien soo xushay, waxaana Barca si wayn u badbaadiyay Antoine Griezmann oo ahaa gool dhaliyaha kaliya ee kooxda kowaad kulankan kaga soo bilawday.

Ibiza ayaa ku riyoonaysay in ay Barcelona ka yaabsato laakiin waxay riyadani socotay ilaa intii uu Griezmann ciyaarta soo faro galinayay isaga oo laba gool dhaliyay.

Labada gool ee uu Griezmann dhaliyay waxay Barcelona ka caawiyeen in ay u soo baxday wareega 16ka kooxood ee Copa Del Rey.