Wasiirka Ganacsiga Somaliland oo Si Adag uga hadlay Askari lagu Dilay Awdal, Beeshiisana u Hanjabay

Hargeysa(aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ayaa si adag uga hadlay Askari lagu dilay gobolka Awdal, waxaanu digniin iyo farriimo is-barkan u diray Beelaha Reer Awdal, gaar ahaan beesha uu isagu ka soo jeedo oo uu tilmaamay inay masuuliyadda dilkaas wax ku leedahay.

Wasiirka oo ka mid ah Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland oo Boorame u tegay hawshaas iyo kuwo kale, ayaa Kulan uu waftigu la yeeshay Odayaasha Reer Awdal hadal uu ka jeediyey waxa uu ku sheegay inaan loo baahnayn in beelo gaar ahi balaayo ka huriyaan gobolka Awdal, isla markaana ay nabadgelyo-darro sameeyaan, waxaanu sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo fal amni-darro abuurta.

Haddaba, hadalka Wasiir Saajin kaga hadlayo arrimahaas iyo kuwo kale-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.