Xildhibaan Talooyin u Soo Jeediyay Xukuumada iyo Mucaaradka Dalka

Hargeysa, (Aftahannews)-Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa talooyin u soo jeediyey Madaxda Xisbiyada Mucaaradka iyo Xukuumadda, waxaanu kula taliyey inay si fiican oo bilaa turxaana u dhammaystaan wax kasta oo ay isku hayaan.

Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Beesha Caalamka ugu baaqay inay Somaliland aqoonsi siyaan, waxaanu ugu horeyn yidhi “Madaxda Qaranka ee Muxaafid iyo Mucaaridba leh, ha u tudhaan dadkooda,oo ha ka dheeradaan hadalada naxliga iyo turxaanta leh, oo dadkooda ha ogeysiiyaan in tartan oo qudhi ka dhexeeyo, ee aanay cadaawadi ka dhexayn,maxaa yeelay haddii la heshiiyo oo haddana la is qabsado, oo warbaahinta hadalo kulul la iska weydaarsado waa mushkilad, ee Xisbiyada iyo Xukuumaddu go’aan ay isku mid ah oo ay raali ka wada yihiin ha qaatan”.

Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye, mar uu ka hadlaayey Beesha Caalamka ayaa yidhi “Beesha Caalamku aad iyo aad bay ugu dadaalaysaa oo ay u xiiseeynaysaa inay Somaliland Doorasho ka dhacdo, markaas Beesha Caalamku dadaalka ay ugu jirto qabsoomida Doorashooyinka Somaliland aqoonsiga aanu ka rabno ha na siiso, maxaa yeelay waxa qudha ee maanta naga maqani waa Aqoonsi nagaga xidhan Beesha Caalamka, laakiin yaanu arinkoogu noqon sidii odaygii wiilkiisa ku yidhi “aabo iska soo waran” ee wiilkii ku jawaabay “Salaadaha Weyso qudha ayaan ku tukadaa”, markii uu aabihii helay fariinta wiilkiisa, wuxuu dareemay xaalada wiilkiisa haysta, waxaanu u soo dhiibay Hilib iyo Subag, waxaanu inamadii uu ugu soo dhiibay u faray fariin ah “Bishu waa sodon, baliguna uu buuxa”, waxaa uu ugula jeeday sodan waslalood iyo subaga oo buuxa ayaan ku soo dhiibay, wiilkii markii loo keenay hilibkii iyo subagii oo dhiman, iyo fariinta uu aabihii u soo dhiibay wax buu dareemay, markaas waxaan leeyahay Beesha Caalamka isma qabanayso Doorashada Somaliland ha dhacdo, aqoonsina siin mayno”