Isku Aadka Africa Ee Isreeb-Reebka Koobka Adduunka Oo La Sameeyay

Isku aadka wareega labaad isreeb-reebka CAF FIFA World Cup 2022 ayaa lagu qabtay magaalada Cairo ee wadanka Massar, iyadoo Nigeria, Ghana & Egypt ay ku beegmeen xulal kale.

Isugeen 54 dal oo African ah ayaa ka qeyb qaadan doono isreeb-reebka Koobka adduunka Qatar ee 2022-ka, laakiin kaliya 5 ka mid ah dalalkaas ayaa heli doono inay qaaradooda ku matalaan dhacdadaas.

Ku guuleystayaasha wareega koowaad ee 14 dal ah ayaa ku biiraya 26-ka xul ee ugu sareeyay Africa marka la eego kala sareynta qiimeynta bilaha ah ee xulalka aduunka ee FIFA bishii December 2019.

40-kaan xul ayaa loo qeybeeyay 10 group oo ka kooban min afar wadan.

Group kasta kooxaha ku jira ayaa midba midka kale wuxuu la ciyaari doonaa minin iyo marti.

Guuleystayaasha 10-ka group ayaa u gudbi doonaa wareega saddexaad iyo wareega ugu dambeeya, kaasoo ay ka soo bixi doonaan 5 kulan oo isreeb-reeb ah.

Guuleystayaasha Shanta ah ayaa markaas kaddib ka qeyb gali doono Isreeb-reebka koobka adduunka ee lagu qabanayo Qatar 2022.