Somaliland: Shirka Qorshaha 2020 ee Wasaaradda Waxbarashada oo Hargeysa Ka Furmay iyo Hadallada laga Jeediyey

Hargeysa(aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa furay Shirka qorshe-sannadeedka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska ee 2020.

SHIRKA QORSHAHA SANNADKA 2020 EE WASAARADDA WAXBARASHADA IYO SAYNISKA SOMALILAND OO HARGEYSA KA FURMAY
SHIRKA QORSHAHA SANNADKA 2020 EE WASAARADDA WAXBARASHADA SOMALILAND OO HARGEYSA KA FURMAY

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Shirkan oo lagu qabtay Huteel Kaah ee magaalada Hargaysa, waxa ka qaybgalay Guddoomiyayaasha waxbarashada ee heer gobol, Agaasime waaxeedyada, Guddoomiyaha Xafiiska imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Axmed Abokor Maxamed

Shirkan, oo socon doona muddo laba maalmood ah, ayaa lagu lafaguri doonaa qorshayaasha waxqabad ee sannadkan 2020-ka, waxaannu warkan oo faahfaahsan iyo hadallada ay Masuuliyiintu ka jeediyeen-ba, idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.