Guddiga doorashada Galmudug oo Guddoon doortay, Jadwalna Soo Saaray iyo Ehlu-Sunna oo Ku Gacan-saydhay

Dhuusamareeb(aftahannews):- Guddiga doorashada Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug, ayaa Salaasadii maanta doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeen, ka dib kulan ay ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb ee caasimada ee gobolka Galgaduud, hase-yeeshee, waxaa ku gacan-saydhay Ehlu-sunna Waljameeca.

Kulanka Guddiga doorashadu hoggaanka ku doorteen, ayey goob joog ahaayeen Shirguddoonka Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal iyo labadiisa ku xigeen, waxaana Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxweynaha loo doortay Maxamed Xuseen Tahliil (Calool Geel), halka Ku-xigeen loo doortay Cabdiraxiin Axmed Cigaal.

Guddiga, ayaa markii ay hoggaanka doorteen ka dib, waxay si rasmi ah u shaaciyeen Jadwalka doorashada iyo siday hawshaasi u qabsoomi doono, iyaga oo sheegay in araajida musharrxiinta u tartami doona madaxweynaha iyo ku-xigeenka la qaban doono maalmaha 22/23-ka bishan Janaayo oo Arbacada iyo Khamiista berri iyo saadembe ah. Doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Galmudug, ayey guddigu u muddeeyeen 30-ka bishan janaayo.

Hase-yeeshee, Xubnaha Guddiga ee ka tirsan Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug ee metelaya Ahlu-Sunna Waljameeca, ayaa midaanay aqbalayn ku tilmaamay doorashada Guddoonka Guddiga doorashada Madaweynaha Galmudug, isla markaana si adag uga soo horjeestay.

Geesta kale, Qoraal ka soo baxay Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa lagu sheegay in aanay qeyb ka aheyn doorashada Madaxwynaha Galmudug ee la qabanqaabinayo, isaga oo dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyey inay farogelin ku hayso hawlaha socda iyo hoggaanka guddigan doorashada loo doortayba.

SHEEKH SHAAKIR
SHEEKH SHAAKIR

War-saxaafadeedka uu soo saaray Sheekh Shaakir oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan hoose:-

Gudddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug shirkooda jaraa’id ee ay ku shaaciyeen Jadwalka doorashada iyo hadallada ay halkaas ka jeediyeen-ba, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.