kooxda Man.United Oo Ka Hadashay Shil Uu Galay Goolhayaheeddu

Mid ka mid ah Goolhaayayaasha kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo warinayaa inuu galay shil gaadhi oo halis ah.

Goolhaayaha reer Argantina iyo kooxda Manchester United ee Sergio Romero ayaa galay shil gaari oo halis ah, kaasoo sababay inuu gaadhigiisa burburo.

Sergio Romero ayaa shilkan ku galay, meel u dhow garoonka tababarka ee kooxda Manchester United. Sida laga soo xigtay wargeyska “Mirror” ee dalka England gaariga uu watay Sergio Romero ee “Lamborghini” ayaa burbur xoogan soo gaadhay, kaasoo qiimahiisu yahay 170 kun oo pounds.

kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa xaqiijisay in goolhayaheeda aannu wax dhaawac ah soo gaadhin, halka gaadhigii uu saarnaa ciyaaryahanka uu burburay.